NEWS
Banaan bax ballaaran oo looga soo horjeedo
 
 

 

 

Banaanbaxa ka dhacay Magaalooyinka ay ka taliyaan Maxkamadaha islaamka ayaa looga soo horjeeday fara gelinta Ciidamada Itoobiya ku hayaan dhulka soomaaliya,isla markaana lagu taageerayay Jihaadka ay iclaamiyeen Mas'uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ayaa maanta ka dhacay fagaaraha weyn ee Tarbuunka ee Magaalada Muqdisho.

Dadweynaha ka soo qeyb galay banaanba ayaa waxa ay ku qeylinayeen hal ku dhigyo ka dhan ah Ciidamada Itoobiyaanka ah.

Banaanbaxii maanta ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas'uuliyiin fara badan oo ka tirsan Maxkamadaha islaamka oo uu ka mid ahaa Gudoomiyaha Golaha Fulinta Golaha Maxaakimta Sheekh Shariif oo xubno kale oo Maxkamadaha ka tirsan.

Sheekh Muqtaar Roobow Abuu Mansoor oo ah kuxigeenka Madaxa amaanka ee golaha Maxaakimta islaamka ayaa sheegay in ay la jihaadayaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo galay Gudaha Soomaaliya.

"wiil aan dhalay oo 14 jir ayaan waxaan u hadiyeeyay ciidamada Maxkamadaha si uu uga qeyb qaato dagaalka ka dhanka ah ciidamada Tigreega,ee soo galay gudaha soomaaliya,waana la jihaadeynaa"ayuu yiri Abuu Mansuur.

Gudoomiyaha Golaha Fulinta Maxkamadaha islaamka Sheekh Shariif ayaa isna ku baaqay in meel kasta lagula dagaalamo Ciidamada Itoobiyaanka ah,isagoo dhanka kale baaqna u jeediyay Maamulada Somaliland iyo Puntland in ay ka qeyb qaataan Jihaadka ka dhanka ah Itoobiya.

"meel kasta oo ay dalka ka joogaan waanu weerareynaa,Ciidamada Itoobiyaanka,Somaliland iyo Puntland waxaa laga doonayaa in ay iyagana jihaadka ka qeyb qaataan oo ay meeshooda ugu dhiftaan Ciidamada Itoobiyaan"ayuu yiri Sheekh Shariif.

Sheekha ayaa sidoo kale ugu baaqay Shacabka Gobolada Baay iyo Bakool in ay isaga baxaan si aysan waxyeelo uga imaan madaafiicda,isagoo dhanka kale Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in ay isu soo diyaariyaan Jihaad Alle dartiis oo lala geli doono kuwa cadow ku ah dalka iyo diintaba.

Dad badan ayaa is diiwaan gelinayay intuu uu socda banaanbaxii,iyadoo dadkana meelo kala duwan la qoraya,ilaa boqolaal ruux ayaa maanta is diiwaan gelisay,waxaana sidoo kale la cayimay goobo kala duwan oo dadka loogu wargeliyay in ay isku qoraan jihaadka alle dartiis ee lala galayo Ciidamada Itoobiyaanka ah.

Dhanka Kale Banaanbax ceynkan oo kale ah ayaa ka kala dhacay Magaalooyin dhowr ah oo ay maamulaan Maxkamadaha Islaamka Soomaaliya,Magaalooyinka Jowhar,Marka,Beledweyn,Balcad ayaa ka mid ahaa goobaha sida weyn uu uga dhacay banaanbaxii salaada jimcaha kadib,iyadoo si weyn dadweynahii banaanbaxaas ka soo qeyb galeen u muujiyeen sida ay diyaar ugu yihiin Jihaadka ay la galayaan Ciidamada Itoobiyaanka ah.

C/casiis GOLF

 
 
And Today

More videos ...
IN VIDEO

Mogadishu University

More videos ...
ON ONKOD

RAGEH OMAAR
WARAYSI C. MUUSE
IN DEPTH

MUQDISHO UNIVERSITY

SAXAAFADA SOMALIA
18 Years & still fighting

Waraysi TV: Riyaale