Shacab careysan oo cagta mariyey Dukaamo ay lahaayeen
Shacabkan weerarka soo qaaday ayaa muddo hal saac ku burburiyey dhamaan dukaamadaas iyadoo dadkii iska lahaa dukaamadaas ay isaga carareen kaddib markii ay ka war heleen si aaney naftooda ugu waayin.
Arrintan ayaa markii hore ka bilaabatay mid ka mid ah dukaamadaas kaddib markii Nin South African ah oo macaamiisha dukaankaas ka mid ahaa iyo Ninkii Soomaaliga ahaa isku khilaafeen lacag uu doonayey in loo celiyo iyadoo Soomaaligana uu ku andacoonayey inuu u celiyey.
Arrintaas ayaa ugu dambeyntii isku badashay in Ninkii Soomaaliga ahaa ee iska lahaa dukaankaas uu toogtay Ninkii South African-ka ahaa isagoo ku naf baxay dukaanka gudihiisa.
Arrintan xalay dhacday oo goob dambe ay booliska ku soo baxeen ayey gudaha u gali waayeen halka ay burburinta dukaamada ka socotay ilaa saq dhaxe oo xaalada ay iskeed isaga qabowday.
Sidoo kale Soomalidii intooda badneyd dukaamada ku laheyd tuuladaas xalay ayey ka soo rarateen alaabtoodii.
Dukaamadaas ayaa markii dhamaantood la boobay kaddib mid ka mid ah la gubay si aan dib dambe loogu ganacsan