NEWS
Taageero Heshiiskii ONLF iyo Ethiopia
 
 

 

 

Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen jaaliyada Ogadenia qeyb ka mid ah magaalada Pretoria ayay si weyn ugu taageereen heshiiskii dhawaan dhexmaray garab ka mid ah ONLF iyo dowlada Ethiopia Kullanka kadib warmurtiyeed laga soo saaray kullanka oo nuqul ka mid ah aan helney ayaa u qornaa sida hoose War Saxaafadeed Shir ay isugu yimaadeen wafuud ka kala socota gobolada dalka Koonfur Afrika oo ka mid ah jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ayaa waxa uu ka dhacaya magaalada caasimada ah ee Pretoria si loogaga wada hadlo isbadalo xawli ku socda oo ka dhaqangalaya gayigii aynu ka nimid. Shirka waxa laga lahaa labbo ujeedo oo kala ah 1- In dib u habayn lagu sameeyo maamulka Jaaliyada 2- In looga wada hadlo isbadalada ka dhacaya gayiga Ogaadeeniya Kadib falanqeyn, doodo, afkaaro isweeydaarsi, xariiro xogwaraysi ah, iyo wada tashi ballaaran waxaa shirka kasoo baxay 3 natiijo oo wax ku ool ah, oo kala ah 1- Maamul cusub oo 7 xubnood ka kooban oo loo sameeyey jaaliyada Ogaadeniya ee Koonfur Afrika, iyadoo maamulkii hore uu meesha ka baxayo. 2- In taageero buuxdo oo hiil iyo hooba leh lala garab istaagi halgamayaasha jabhada ONLF ee markii ay darseen duruufaha jira qaatay wadadii nabbada si loo samato bixiso shacabka tabaaleysan ee reer Ogaadeeniya., iyagoo heshiis la saxiixday dowlada Ethiopia. 3- Baaq aan u dirreyno dhamaan ciidamada hubeysan ee wali dagaalamaya in iyagoo eegaya danta shacabka ay nabbada qaataan, iyo waliba shacabka reer Ogaadeeniya oo aan ugu baaqayno in ay taageeraan dadaalada nabada lagu aslaaxinayo kuna noqdaan dalkoodii Hooyo. Xubnaha Maamulka Cusub 1- Md. Axmed Xassan Dhalac – Gudoomiyaha maamulka Jaaliyada Ogaadeeniya ee K/Afrika 2- Korneyl Ciin Axmed Faarax --- Hogaanka Arrimaha Bulshada 3- Md. Maxamed Mataan – Hogaanka Dabagalka 4- Md. Hurre Cabdullaahi Sheekh --- Hogaanka Warfaafinta 5- Md. Halgan Xaaji Xassan --- Hogaanka Dhaqaalaha 6- Md. Cabdulaahi Ibraahim Mursal (Kuusane) --- Arrimaha Diinta 7- Nabadoon Bashiir Bacoole --- Hogaanka Arrimaha Dibbada Wabillaahi Toowfiiq Md. Hurre Cabdullaahi Sheekh Hogaanka Warfaafinta Jaaliyada Ogaadeniya ee K/Afrika
 
 
And Today

More videos ...
IN VIDEO

Mogadishu University

More videos ...
ON ONKOD

RAGEH OMAAR
WARAYSI C. MUUSE
IN DEPTH

MUQDISHO UNIVERSITY

SAXAAFADA SOMALIA
18 Years & still fighting

Waraysi TV: Riyaale