NEWS
Somali aya lo heysta toogashada ninkani
 
 

 

 

Wararkii ugu horeeyey ayaa kasoo baxaya 4 nin oo midkood Soomaali yahay oo loo heysto isku day dil qaarijin ah oo lagula kacay taliyihii hore ee ciidamada xooga Rwanda 2 todobaad ka hor magaalada Johannesburg.

Saxafi Cabdinaasir Saxansoxo oo kasoo waramaya Johannesburg wuxuu leeyahay arrintani waa mid fajiciso ku noqoneysa Soomaalida dalkani oo aan illaa haatan ka warheynin dhacdada.

Ninka Soomaaliga ah ayaa magaciisa lagu sheegey Axmed Cali oo dhowr iyo labaatan jir ah waxaana wehliya nin Muzambique u dhashay oo lagu magacaabo Goerge Francis iyo 2 Tanzania u dhashay oo lagu kala magacaabo Juma Xuseen iyo Shafiir Bakar.

Maanta ayay kasoo muuqdeen maxkamada heerka degmo ee Johannesburg. Afayeen u hadlay Police-ka Govindsamy Mariemuthoo ayaa sheegey sheegey marka xiga ee maxkamada lasoo taagayo ay tahay khamiista soo socota, balse warar kale ayaa sheegaya in mudo bil ah dib loo dhigey dacwada nimankani.

Ninka jeneraalka ah wuxuu ahaa taliyaha ciidamada xooga dalka Rwanda magaciisuna waa jeneraa Faustin Kayumba, balse ismaandhaaf dhexmaray isaga iyo madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo ay mar ahaayeen xulufo ayaa lagaga direy xilkaasi, billo ka hor ayuu usoo qaxay dalka Koonfur AFrika isagoo kasoo tagay xil danojironimo oo uu dalka Hindiya ka hayay taasina waxay timid markii ay isku dhaceen dowlada Rwanda.

Nin saxafi ah oo baarayay toogashada ninkani ayaa dhawaan toogasho lagu dilley Kigali gurigiisa hortiisa. Kayumba ayaa la sheegey in uu kasoo reeysanayo dhaawacyo kasoo gaaray caloosha.

19 kii bishan ayay rag hubeysan oo kasoo raacey meel laga dukaameysto oo Johannesburg ah ku toogteen meel gurigiisa agtiisa ah isagoo xiligaasi ku jirrey gaarigiisa, xaaskiisa Rossette Kayumba ayaa sheegtey in uu ahaa isku day qaarijin siyaasadeed oo uu ka dambeeyey madaxweyne Kagame, eedeyntaasi oo ay diidey xukuumada Kigali.

Hase yeeshee dowlada Rwanda waxa ay dooneysaa oo ay Koonfur Afrika ninkani kusoo wareejiso oo ay Rwanda usoo musaafuriso si uu dacwad ka dhan ah ugu wajaho gudaha Rwanda, waxaa loo heysto weeraro garneelo ah oo ku qarxay Kigali sanadkan horaantiisii oo ay ku waxyeeloobeen sodomeeyo qof.

Wararkii ugu dambeeyey waxay sheegayaan in raga loo heysto toogashada ninkani ay heystaan sharciyada qaxootiga ee ay bixiso wasaarada gudaha ee K/Afrika, ninka Soomaaliga ah ayaa la sheegey in uusan wlai wareejin sharcigaasi balse uu qirtey in uu qaxootinimo ku joogo K/Afrika.

Lama garanayo sababta ka dambeyn karta in nin Soomaali ah uu ka qeybqaato falkaasi xili aysan jirin xiriir muuqda oo ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Rwanda marka laga reebo dowlada Rwanda oo taageero militari siisa DKMG ah iyadoo markii ugu dambeeysay todobaadyo ka hor ay Kigali tageen wasiiro DKMG ah ka tirsan.

Ma ahan war ay ku farxayaan Soomaalida qaxootiga ku ah Koonfur Africa, iyadoo arrinta micnaha u samaynaysa ay tahay in nin Soomaali ah oo qaliba qaxootinimo isu dhiibey lagu heysto dambi qaarijin siyaasadeed oo sidaasi u miisaan culus.

 2 nin oo kale oo 4tani lala xirey ayaa lasii daayey kadib markii ay Police-ka sheegeen in waxbo lagu waayay, laakiin raga la heysto waxaa la filayaa in ay sawirtey kaamarada CCTV-ga loo yaqaano ee goobtu dukaameysiga ahayd.

Musaafuris iskiis ah oo siyaasadeed ayuu ku joogaa Koonfur Afrika, iyadoo dowlada dalkaasina ay qorsheyneyso in ay magangalyo siiso Kayumba.

 
 
And Today

More videos ...
IN VIDEO

Mogadishu University

More videos ...
ON ONKOD

RAGEH OMAAR
WARAYSI C. MUUSE
IN DEPTH

MUQDISHO UNIVERSITY

SAXAAFADA SOMALIA
18 Years & still fighting

Waraysi TV: Riyaale