Qoyska laheystayaal British ah ayaa bixiyey kala bar lacagta madaxfurashada ah ee ay dalbadeen burcad badeeda heysata, halka barka soo haray looga fadhiyo in ay bixiyaan jaaliyada Soomaaliya UK
Lacagta ay burcaddu dalbatay waxay dhantahay $ 800,000 doolar (sided boqol oo kun oo doolar), qoyska lamaanaha la heysto waxay bixiyeen $430,000 (afar boqol iyo sodon kun oo doolar), inta soo harteyna waxaa laga filayaa in ay bixiyaan jaaliyada Soomaalida UK oo talaabadni uga gol leh in ay taageeradooda ugu muujiyaan dadka reer Britain oo magac xumo weyn u martey.
Lamaanahani oo konton jirraal ah oo la kala yiraahdo Paul Chandler iyo xaaskiisa Richel Chandler ayaa la afduubtey bishii Oktoobar iyagoo ku jooga doonidooda raaxada ah ee 12-ka mitir dhan meel u dhow jasiirada Seychelles.