Ugu yaraan sadex qof oo Somali ah oo ku nool gobolka Mineapolis ee cariga Maraykanka ayaa lasoo taagay maxkamd federaali ah, kuwaasi oo lagu tuhmaayo in ay xiriir la leeyihiin kooxad Al-Shabaab oo iyasda la sheego in xiriir ay la leedahay Kooxda Al-qaacida.
Mid kamid ah ragaasi oo la yiraahdo Abdifatah Isse oo 21-jir ah ayaa la sheegay in uu dalka maraykanka kusoo laabtay horaantii sanadkan kadib markii uu kazoo qeyb qaatay dagaalo kooxda Al-Shabaab ay qaaday, waxaana la qabtay isaga oo kasoo dagay xiligaasi Garoonka Seattle.
Maxkamada ayaa soo bandhigtay tiro dhan ilaa 20 dhalinyaro Somalia ah kuwaasi oo iska ururrsaday Gobolka Minneapolis kadibna ay ku biireen kooxo argagaxiso ah.
Eedeymahaasi lagusoo oogay ayaa la filayaa in maxkamadu ay dib u furto todobaadyada soo socota, iyadoo warar hoosana ay soo baxayaan in sadexda nine ee haatan gacanta lagu dhigay laga haayo cadeymo rasmi ah oo arimahooda la xiriira.
Cadeymaha ragaasi lagu haayo waxaa kamid ah in ay lacago ay uga diri jireen gudaha Maraykanka.