NEWS
Dowladda Kmg ah iyo Maxkamadaha oo
 
 

 

 

Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxaa ka socdo qaban qaabo xoog leh oo ay labada dhinac ugu jiraan,kaasoo ah sidii labada wafdi ay u aadi lahaayeen Magaalada Khartoum.

Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay magacowdo xubnaha u matalaya Shirka Khartoum,xilli Dowladda dhexdeeda uu ku jiro kala duwanaansho dhinaca Shirka.

Warar hoose oo ka soo baxaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Xukuumada Geeddi ay madax uga dhigtay madaxa wafdiga Dowladda Shariif Xasan,oo dhowaan iska casilay madaxii wafdiga Dowlada ee u matalaya Shirka Khartoum,kadib markii khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay.

Maanta ayaa la filayaa in Dowladdu si rasmi ah ugu dhawaaqdo Xubnaha matali doona Dowladda ee ugu qeyb geli doona Shirka Khartoum oo labo maalmood oo qura ka harsan yahay.

Dhanka Maxkamadaha Islaamka ayaa iyaguna la filayaa in ay maanta kulan ka yeeshaan Shirka Khartoum,wafdiga Maxkamadaha ee Shirka uga qeyb galaya ayaa kulamo gooni gooni ah la yeelan doona Hogaanka sare ee Maxkamadaha Islaamka.

Ibraahim Xasan Cadow oo ah Madaxa Wafdiga Maxkamadaha Islaamka ayaa hore u sheegay in ay diyaar u yihiin in ay tagaan kulanka Khartoum ee 30-ka bishan dhacaya.

C/casiis GOLF

 
 
And Today

More videos ...
IN VIDEO

Mogadishu University

More videos ...
ON ONKOD

RAGEH OMAAR
WARAYSI C. MUUSE
IN DEPTH

MUQDISHO UNIVERSITY

SAXAAFADA SOMALIA
18 Years & still fighting

Waraysi TV: Riyaale