Sheekh Xasan Daahir Aweys Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam ayaa ka codsaday ururka Al Shabaab in ay aqbalaan wada hadalo ay la galaan Xisbul Islaam, xilli uu sii xumaanayo xiriirka ka dhaxeeya labada urur.
Wadaadka ayaa hadal uu shalay ka jeediyey Gobolka Sh/hoose waxa uu ku sheegay in ay lagama maarmaan tahay wada hadalo ay yeeshaan Islaamiyiinta oo iyagu ka midyesan dagaalka ay kala soo horjeedaan ciidamada AMISOM iyo dowlada uu hogaamiyo Sheekh Shariif Sh Axmed.
"Mujaahidiinta waxaan ugu baaqayaa in ay midoobaan sababtoo ah cadawga ayaa ku farxayo kala tagooda, waxaa jiray awal wada hadalo inoo dhaxeeyey anaga iyo walaalaheen Shabaab, hadana waxaan rajeynayaa in halkooda ay kasii socon doonaan" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.
Mar uu ka hadlayey mowqifkooda ku aadan dagaalada ka socda Muqdisho ayuu ku sheegay in aysan waxba iska badalin isla markaana ay dagaalamayaan ilaa ay ka baxayaan ciidamada Shisheeye lagana ridayo dowlada Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Hadafka Hishiiska
1-Mar aan la xariiray Sargaal ka tirsan Al-Shabab oo magiciisa ku gaabsaday Al Naasir ayaa noo xaqiijiyay hadafka in Xisbul Islaam laga joojiyo dilalka qorsheesay ee lala beegsado Saraakiisha X.Islaam .
2-Shabab oo doonayaan in ay la wareegaan Hubka casriga ah ee uu Sh.Xasan Aweys ka keenay Magaalada Asmara sida lidka diyaradaha oo Casri ah iyo Miinooyinka lagu qarxiyo Taankiyada iyo Hub kaloo fara badan si loogu wiiqo awood Amisom
3-Ciidamada Sheikh Xasan oo si nabad galyo ah uugu noolaadaan Goboladaha ay hada haystaan loona daayo hubka ay hada ku haystaan magaalada Muqdisho
4-Dagaal mideesan oo lagu qaado Villa Somaliya Ramadaanka gudihiisa si loo wiiqo awooda TFG-da iyo Amisom
5-Awood qaybsi dowlad islaami ah oo ay ka qayb galaan labada urur balse aan wali la cayimin jagooyinka la siinayo X islaam
Ugu danbeynti dadka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay wadaadka in ay jihaadaan oo ay qaataan hubka sidii buu yiri loo xireyn lahaa dalka Soomaaliya looguna xakumi lahaa kitaabka.