NEWS
Mr Siilaanyo oo xilkii kala wareegay
 
 

 

 

Madaxweynahii hore ee Somaliland mudane Daahir Rayaale ayaa maanta si rasmi ah kursigii madaxwaynanimada ee Somaliland  uga degay ka dib markii uu doorashadii dhacday 26'kii Juun uu ku guulaystay kursigaasi madaxweynaha cusub ee Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo maanta noqday madaxwaynahii afraad ee ay yeelato Jamhuuriyada Somaliland.

Axmed Siilaanyo ayaa ahaan jiray mid ka mid ah gudoomiyayaashii ururkii SNM, ee ugu mudada dheeraa, isla markaasina waxa uu ahaa aasaasihii iyo aabahi xisbiga hda talada qabsaday ee Kulmiye, isga oo doorashadii tan ka horaysay kursiga uu maanta hantay ku waayay cod aad u yar oo lagu qiyaasay 80, cod oo qudhaata.

Hadaba waxa maanta madaxweyne Siilaanyo xukunka loogu dhiibay xaflad aad loo soo qorsheeyay oo ka dhacday xarunta madaxtooyada oo ay goob joog ka ahaayeen, dalalka dariska aynu nahay sida Jabuuti, oo soo dirtay hal wasiir iyo wafti ka kooban 16 xubnood oo kala gadisan, xaga ay dawlada Kiiniya ka yimaadeen gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Faarxa Macalin iyo wasiir ku xigeen uu horkacaayay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kiiniya Mr Indhobuur.

Sidoo kale waxa xafladaas aan ka maqnayn dalka Itoobiya oo ay Somaliland wadaagaan xudiuud aad u dheer, waxana wafiga Itoobiya hogaaminaayay wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska ee dalkaasi oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka ismaamulka Somalilada ee dalkaasi, isla markaasina ahaan jiray ambaasadoor ka mid ah ambaasdoorda dalka Itoobiya  iyo sidoo kale madaxweynaha ismaamulka gobolka Somalida ee Itoobiya.

Xaflada ayaa ku bilaabmatay jawi wanaagsan kuna dhamaatay farxad iyo sacab iyo ray rayn, waana xafladii nooceeda ah ee abid ka dhacda Somaliland oo xasuus qaali ah ku yeelan doonta dalka iyo dunida inteeda kaleba, waxa ay ahayd maalin uu farxsanaa Rayaale Axmedna uu ka sii darnaa.

Rayaale oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu farxsanyahay isbadalka maanta uu yimid, taasina ay tahay dimuquraadiyadii uu soo dhisay waxa aanu sheegay in uu dalka isu keenay intii uu xilka hayay inta dhimana laga sugaayo xukumada cusub, waxa uu ku nuux nuuxsaday in markii ugu horaysay ee uu xilka qabtay uu shaqadiisii u horaysay ka bilaabay nabada iyo jaar wanaaga isla markaasina uu xidhiidh Fiican la samaystay Jabuuti, Itoobiya iyo Kiiniya, isla markaasina uu maamulka dalka ku fidiyay, xafladan maanta loo fadhiyaana ay tahay midhihii u beeray ee uu soo dhisay.

Sidoo kale Axmed Siilaanyo ayaa goobtaasi uga mahadnaqay madxwaynahii hore ee Somaliland iyo ku xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin iyo masuuliyiintii kale iyo dhamaan dadkii ka soo qayb galay xaflada isga oo si gaar ahana ugu mahadnaqay wadamada darsika, waxana uu sheegay madaxweynahu in uu xukumadiisa soo bandhigi doono maalinta bari ah oo uu ku dhawaaqi doono golahiisa wasiirada

Madaxweynahii hore ee Somaliland ayaa markii ay xafladu dhamaatay ayaa waxa uu u soo lugeeyay ilaa gurigiisa cusub oo aan ka dheerayn xagaasi, iyada oo shicibkii ku xeernaa xayndaabka dibada ee aqalka madaxtooyada iyo dadkii xaflada ka soo qayb galay ay qaarkood soo galbiyeen iyada oo ay  mudane Rayaale ay dadku kor u qaadeen isla markaasina ay aad iyo aad u amaaneen uguna dhawaaqayeen hadalo iyo sacab iyo waliba mushxarad ay ku taageersanyihiin sida uu xilka u wareejiyay ee gobanimada leh.

Dadkii goobta joogay ee laha mucaarid iyo muxaafid waxa indhahooda ku soo istaagtay ilmo, qiiro leh iyada oo ay maanta uu jawigu ka duwanaa sidii hore oo aad la isugu dhoola cadynaayay hadalo qab qabowna la is waydaarsanaayay xagii barigii hore dhamac la is waydaarsan jiray

 
 
And Today

More videos ...
IN VIDEO

Mogadishu University

More videos ...
ON ONKOD

RAGEH OMAAR
WARAYSI C. MUUSE
IN DEPTH

MUQDISHO UNIVERSITY

SAXAAFADA SOMALIA
18 Years & still fighting

Waraysi TV: Riyaale