NEWS
Maxaabiis ay sii daayeen Itoobiyaanka
 
 

 

 

 

waxaa Maanta ooda Laga Qaaday Maxaabiistii Ururka UWSLF ee u Xidhnaa Dowladda Fedaraalka Ethiopia , Maxaabiistan Maanta Lasiidaayay ayaa ku kala Xidhnaa Magaalooyinka Adis-abab iyo Diri-dhaba.

Maxaabiistan laga siidaayay Magaalada Adis-ababa ayaa Gaadhayay ilaa 5 Maxbuus kuwaas oo Dhamaantoodba ku Xukunaa Dil Toogasho.

Maxaabiistan ayaa Markii Xabsiga laga siidaayya lagu Wareejiyay Gudoomiyaha Ururka UWSLF Sh.Ibraahim Maxamed Xuseen iyo Wafdi Balaadhan oo uu Hogaaminayay.

Masuuliyiinta Ururka UWSLF ee Maxaabiistan Lagu Wareejiyay ayaa waxaa kamid ahaa
Axmed Cabdi Aadam oo katirsan Xafiiska Arimaha Dibada ee Ururka, Korme Siraad Maxamuud oo ah Madaxa Warfaafinta ee Ururka iyo Masuuliyiin kale.

Maxaabiistan ayaa waxaa Gudoomiyaha ku Wareejiyay Wasiirka Arimaha Fedaraalka ee Itoobiya Dr.Shafroow.

Intaa kadib ayaa mxaabiista loo dhaqaajiyay Dhanka Etiopian Hotel Halkaas oo si Farxadi ku Jirtto ay u Wada Qadeeyeen Maxaabiistii iyo Saraakiishii Ururka UWSLF ee kusugnaa Magaalada Adis-ababa.

Magacyada Maxaabiista laga siidaayay Addis Ababa ayaa kala ahaa:

Duulane Daahir Sahal
Maxamed Cilmi Liibaan
Maxamed Xaaq Maxamuud Faarax
Ibraahim Xasan Naaleeye
Maxamed Axmed C/laahi

Maxaabiistan shanta ah ayaa Dhamaantoodba laga siidaayay Xabsiga wayn ee Adis ababa.

Waxaa sidoo kale laga sii daayay isla saacadaa Magaalada Diri Dawa laba Maxbuus oo iyana u xidhnaa Isla Dowladda federaalka, Xaflad si weyn loo soo agaasimaya ayaa lagu sii daayay labadan maxbuus waxaana goobjoog ahaa Wafti ballaadhan oo uu hogaaminayo Xoghayaha UWSLF Ibraahim Barkhadle iyo Masuuliyiin sar sare oo UWSLF ah.

Sidoo kale waxaa goob jog ka ahaa Eheladii iyo qaraabadii labadaa Maxbuus,iaydoo goobta laga dareemayay farxad badan oo ka muuqatay dhamaan dadkii ka soo qayb galay Xafladaa lagu sii daynayay Maxaabiista.

Maxaabiista laga siidaayay Xabsiga Diri Dhaba ayaa kala ahaa:

Muuse Cabdulaahi Xasan
Cusmaan Axmed Yuusuf

Sii deynta Maxaabiistan ayaa Maanta si weyn looga dareemayay Guud ahaan Dalka iyo dibedda iyadoo ay Hambalyo fara badan naga soo gaadhayaan dalka iyo dibedda.

Waxaa xusid mudan in maxaa biistan Qaarkood ay xidhnaayeen In ka badan 15 sano halka qaar kamid ah ay xidhnaayeen 4 sano.

 
 
And Today

More videos ...
IN VIDEO

Mogadishu University

More videos ...
ON ONKOD

RAGEH OMAAR
WARAYSI C. MUUSE
IN DEPTH

MUQDISHO UNIVERSITY

SAXAAFADA SOMALIA
18 Years & still fighting

Waraysi TV: Riyaale