Wararka ka Imanaya Maamul Goboileedka Puntland ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu ka socdo Buurta Gal Gal oo ka mid ah Goobaha ay is ku uruursadeen Ciidamadan ka tirsan Al shabaab
Dagaalkan ayaa waxaa qaaday dhalinyaro hubaysan oo raacsan nin lagu magacaabo Atam oo ku jira buuraha GalGal , ciidanka ayaa waxaa ay is rasaaseeyeen dhalinyardaas waxaan dagaalka saaka ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Iska horimaadka ayaa waxaa ku dhacay degaanka u dhexeeya Karin iyo Laag ee Gobolka Bari ,warar hordhac ah ayaa sheegay in ciidanka draawiishta ay dagaalka uga dhinteen 2 askari halka 5 kalena ay uga dhaawacmeen ciidanka daacada u ah Atam ayaan la aqaan khasaaraha gaaray maadaama ay dib ugu baxeen buur ay ku jireen.
Warar soo baxay ayaa sheegay in ciidanka Daraawiishta ee Puntlland ay la wareegeen degaanka lagu dagaalaamay halka dhalinyarad hubaysan ee raac san Atam ay u gurteen gudaha Buuraha Gal Gal ,ilo wareed ku sugan Boosaaso ayaa noo sheegay in ciidamo kale duwan oo ku hubaysan Tiknakada ay saaka ka soo kala baxeen Magaalada Qardho ,Garoow ,Boosaaso iyo Gobolka Mudug.
Waxaa sidoo kale weli la arkayaaa Ciidamo ka tirsan Daraawiishta birmadka oo saaka ka baxay magaalada Boosaaso iyagoo ku sii jeeda Buurta GalGal, dhamaan waan waantii ay wadeen odayaasha ayaa moodaa in ay fashilantay maadaam ay dhalinyarada raacsan Atam ay weerareen saaka ciidanka ku gadaaman Buurta GalGal si ay iskaga qaadaan culayska la dul dhigay.
Xaaladda Gobolka Bari gaar ahaan magaalada Boosaas ayaa aad u kacsan waxaan ay dadku ka soo horjeedaan dagaalka la doonayo in laga huriyo Gobol ka Bari gaar ahaan Boosaaso.
Dhinac kale ciidanka Booliska Boosaaso ayaa saaka gacanta ku dhigay nin la sheegay in uu aasayey miino , ninkaan dhalinyarad ah ayaa waxaa lagu qabtay meel aan sidaas uga fogayn Masjid Faadumo.