Waxaa iska soo daba dhacayo taageerida la taageeray Gudoomiyaha Jaaliyada UK Dr Atoore Waxaa kaloo si buuxdo u Taageeray Wasiiro Iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlada KMG ee Soomaliya
Xafladii lagu caleema-saarayey Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ayaa Habeenkii Khamiista lagu qabtay Hall-ka weyn ee Coplan ee xaafadda Wembley ee galbeedka magaalada London. Afar bilood oo wada xaajood iyo wada tashi ah kaddib waxaa kama dambeystii la doortay in Dr Maxamed Ismaaciil Cilmi (Atoore) uu noqdo Guddoomiyaha Jaaliyadda.
Xafladda ayaa waxaa ka soo qayb galay marti sharaf kala duwan oo meteleysay qaybaha kala duwan ee jaaliyadda iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya. Guddoomiyaha guddigii qabanqaabada shirweynaha jaaliyadda oo ah Dr Abba Sheekh ayaa ugu horreyntii halkaas kaga warbixiyey qaabkii ay jaaliyaddu u soo dhisatay distoor iyo hoggaan.
Waxaa kaddib codbaahiyaha lagu wareejiyey xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) iyo xildhibaan Cabdi Abshir oo ka warramay sida ay dowladda Soomaaliya u dhiirri-gelinayso inay jaaliyaduhu sameystaan hoggaanno ay iyagu iska doo dhex doorteen.
Maxamed Cabdi Afweyne oo isaguna ku hadlayey magaca guddiga qabanqaabada xafladda ayaa sheegay in hoggaanka jaaliyaddu uu ka kooban yahay 150 xubnood oo metelaya qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool UK.
Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay dad aad u fara badan oo ay ka mid ahaayeen Xasan Cilmi Kaarshe, Beeldaaje Maxamed Maxamuud, Xuseen Caydiid, Cabdiweli Sheekh Cali, Aadan Guureeye Kaarshe, Aadan Maxamuud Shire, Maxamuud Axmed Dalab, Cali Jarmal, Yaasiin Cabdi Bulsho, Dahabo Xasan (Dowlo), Muna Axmed Cabdalla (Diana) iyo Zamzam Djibouti oo iyadu wakiil ka ahayd jaaliyadda reer Djibouti.
Marti sharaftii ka soo qayb gashay waxaa ka mid ahaa; Nabaddoon Cabdirisaaq Bootaan, Cabdiraxmaan Maxamed Saciid Gentleman, Khaliif Muumin Tooxow, Maxamed Wardheere, Yuusuf Al-kowneyn iyo Nasro Maxamed Cali-Kaar.
Waxaa kaloo safka hore fadhiyey Daahiye Nuur Taranbi iyo Shiino Rooble Warfaa – waxay la kala dhasheen labadii nin ee biladda dahabka ah lagu abaal mariyey sannadkii 1964-kii dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, labadaas oo kala ahaa Ibraahin Rooble Warfaa (Doonyaale) iyo Cilmi Nuur Taranbi. Waxaa kaloo joogtay Sureer Abshir Muuse oo la dhalatay Taliyihii ugu horreeyey ee ciidanka Police-ka Soomaaliyeed Maxamed Abshir Muuse.
Xafladda oo uu xiriirinayey Maxamed Axmed Xaaji (Cagmadhige), waaa hagayey dhinaca nidaaminta Ambassador Cabdilqaadir Cabdulle Xooshow. Waxaa dadka ka soo qayb galay madadaalinayey fannaaniinta reer London oo halkaas ku soo bandhigay heeso cusub oo waddani ah.