NEWS
Raadaar: Jiiro Maskiin ma xasuusataa
 
 

 

 

Waa Sharmaarke, Maxamed Xuseen , Bucle iyo Ciyaalkii Jiira Maskiin

 

Xaafadan waa Madiina hadaa Taqaano horay ayaad ka garan waliba waa Jiira maskiin oo ay daganayeen dad aad u fara badan oo hada badankooda u soo qaxay daafaha Dunida bal aan yara jileecno Jiira Maskiin 

Xasan Maxamed Mahad oo Xiligaasi Joogay Xaafada Kax Sheekhaal

 

Xasan Maxamed Mahad waa wiilkan dhunkanayo Ciidisii hooyo waxa uu ka soo dagay waqtigaas garnoonka Aadan cade waxa uuna isla markiiba soo abaaray goob ay daganayeen reerkooda oo lagu Magacaabo Kaxsheekhaal waana wariyaha Onkod ee Bangkok

 

 

Xaafadaha Jiiro Maskiin waa meeshii aan ku dhashay, kuna soo korey oo aan ku noolaa 18 sanno, qoraalkani gaaban waxaan ku faaqidayaa xasuusteyd xaafadani oo nolosheyda raad ku leh, waxaanan doonayaa in aan ku ifiyo dhibaatada hadda heysata.

 

Caasimada Soomaaliya barwaaqadii tiiley ninkii aan gaari lahayn wuxuu ahaa maskiin, mana ahayn siffo lagu takoori jiraye waxay ahayd siffo la’isku caawiyo, ciidamada dowlada iyo dadka rayidka ah ayaa lug ku mari jirey wadada Jiiro Maskiin la baxdey oo dhereran laga soo bilaabo suuqa weyn ee Madiina illaa isbitaalka Madiina.

 

Muusan jirin qof wadadaasi lug ku maray oo baabuur wadadaasi haya uusan inta u istaagey qaadin.

Waa Tukaanki Caamir oo aad looga gadan jiray Cuntada Daruuriga ah

 

Xaafado waxay ahayd mid bilicdeedu wanaagsantahay, waxay lahayd inta badan adeegyada asaasiga ah ee noolaha u baahanyahay, waxyaalaha aan ka xasuusto waxaa ka mid ah imaamkii masaajidka Abuubakar Sadiiq Sheekh Ibraahim, iyo mu’adinkii masaajidka Sheekh Cumar 

 

Waxaa kaloo aad u xasuustaa Sheekh Cabdi Dhuub oo ahaa Sheekha aan ka aqristey Kutubo fara badan , Kutubaddan ayaa waxaa ka mid aha Ajruumi, Buluuq Maraam, Riyaadu Saalixiin iyo Alifyaha waxaana ku xasuutaa subaxdii hore oo la qaadi jiray Duco la yiraado ( Allaahu yaa Alaahu Yaa allahu Y)

 

Mid ka mid ah dadkii xaafada deganaa oo lagu magacaabo Xassan Maxamed Mahad oo ah arday wax ka dhigta jaamacad ku taala Bangkock ayaa soo booqdey xaafada, mar aan kala sheekeystey wuxuu iiga sheekeeyey in dhibaato iyo burbur aan la malayn karin uu ka jiro xaafada, wuxuu ii sheegey in meelaha qaar aad u malaynayso meel ay ku noolyihiin reer Aakhiraad.

 

Sidaasi oo ay tahay xaafada Madina guud ahaan waa mid taariikh gaar ah ku leh dadka caasimada sanadihii burburka, waxay noqtey xaafada kaliya ee aanan laga qixin, balse loo qoxo, waxa kale oo ay noqotey xaafada dhiigjoojinta maadaamaa uu ku yiiley isbitaalka Madiina oo ah kan kaliya ee caasimada ka shaqeeya.

 

Waxaa kaloo goobtaasi ku yiilay Madarisada Lagu Magacaabo Cabddlal Cazaam waxaa haatan joogo Arday Cusub iyo Macalimiin wada cusb , Maanan ku arkin hal macalin oo aan aqaano balse waxaa ku faraxya ardayada wax baraneesay oo aad u badatay

 

Xasan Maxamed Mahad

FG; Waxaad la socotaan Sawiro kale oo fara badan oo laga soo diyaariyay Madarisada  Cabddalla Binu Zubaire Ex Cabddalle Cazaam

Bangkok

 

 
 
And Today

More videos ...
IN VIDEO

Mogadishu University

More videos ...
ON ONKOD

RAGEH OMAAR
WARAYSI C. MUUSE
IN DEPTH

MUQDISHO UNIVERSITY

SAXAAFADA SOMALIA
18 Years & still fighting

Waraysi TV: Riyaale