Goor waliba waxaa si isdaba jog ah la isu weydiiyaa meesha ay iska qabsan la’dahay in xal loo helo balaayada hareysay muddo ku dhow rubac qarni jiritaanka Soomaaliya siiba dhinaca koofureed,oo ay isugu kulmeen seddex dhibaatooyin
1.mid siyaaso, 2.dhaqaale 3.wixii ka dambeeyay 11kii settember dagaal dibadda laga maamulaayo oo u dhexeeyo mareykanka iyo qolooyinka lagu tiriyo xag jirka.
Arrintakoofur Soomaaliya weji waliba haddii la eego waxay u muuqata quus,dhinaca siyaasadda oo markii horeba iska liidatay ayaa haatan waxaa ugu dambeyntii qoorta isla galay madaxdii maamulka u sareysay.
Dhinaca dhaqaalaha waxaa halis nololeed ku jiro dad aad u badan oo hayadaha gargaarka bixiyo ka joojiyeen macaawinadii ay siin jireen keddib marki si barer ah loogu hanjabay in shaqaalahooda la layn doono.
Dhanka dagaalka asaga wax ka soo qaadba malaha oo isdilka waxa uu koofurta Soomaaliya ka mid noqday nolol maalmeedka dadka,dagaalka waxa uu salka ku hayaa dano gaar ah oo dowlado waaweyn ama kuwa deriska ah ay ka leeyihiin geyiga,si danahaas lagu xasaliyo dowlad waliba waxay dib ka riixeysaa jabhadda ay markaas u haysato in danaheeda ay heelan u tahay.
Haddii intaas lagu daayo warbixinta guud oo dib loo eego cinwaanka maqaalka aad ayeey u adagtahay in la saadaaliyo waxa laga yeelaayo qoomiyadda la magax baxday HAWIYAHA balse waxaa tusaale laga bixin karaa in dhibaatada koofurta uu Hawiyaha sabab u yahay,cidda wax ka socon la’ yihiin na waa ayaga,cidda hor istaagta dowlad waliba oo waddanka loo dhiso waa Hawiyaha ayagoo bur-burinta dowladda u adeegsado oraahdii caalamiga noqotay( LOOMA DHAMMO ),waxaa intaas dheer in dowladihii waddanka loo dhisay,hal mooyee,dhammaantood uu Hawiye madax ka ahaa.
Inta Soomaaliya dhibaatada ka taagan tahay laga soo billaabo Mudug ilaa Raaskiyambooni waa dhulka uu Hawiyaha wax ka dego,waa dhulka Soomaaliya bad iyo berriba u barwaaqo badan,balse Hawiye meeshii uu wax soo saar isku mashquulin lahaa waxa uu meherad ka dhintay is gumaad,barakicin iyo bur-burin hanti, fal-fal xumada Hawiye waxaa tusaale ugu filan inta qab-qable dagaal mid nool iyo mid dhintay u dhalatay affarta qabiil ee Hawiyaha ugu tunka weyn:
(1.Habargidir (11)qab-qable dagaal );2.(Muddullood waa (10 )qab-qable),(3.Murursade(6)Qab-qale dagaal iyo 4.Xawaadle(5)qab-qable,belo laqyadaan oo can kanoqday koofurta Soomaaliy waxay kafaaideysteen maangaab yarada reeraha ay ka soo jeedaan ayagoo isu muujin jiray in ay dadkooga gar-gaar u yihiin, balse ay qabiir ku ahaayeen kaliya isbaaro dhigasho iyo in ay baartaan umadda inta ugu tabarta liidata.
Hawiye aabihiisa waa xoog,hooyadiisa na waa xisaab la’aan xal u helidda dhibaatada koofurta Soomaaliya siiba magala madaxda waxay ku xiran tahay in affarta reer kor ka muuqda madaxdooda ay ka gudbaan wixii khilaaf u dhexeeyay una soo jeestaan u gargaaridda dadka maatada ah oo korkooda lagu hardamayo. Umadda inteeda kale qoryihii meel ayeey iska dhigeen dagaalna wey ka kaaftoomeen,dadkoodana waxayu sahmiyeen nolol iyo meel lagu nagaado ee bal daya waxa ka taagan gobollada uu Hawiyaha wax dego,sida Mudug,Galgaduud,Hiiraan,Shabeelaha dhexe, Banaadi,Shabeelaha Hoose iyo Jubbooyinka !!!!!!!!!!.