NEWS
WIILKII YARAA IYO GEEDKII TUFAAXA
 
 

 

 

Waxaa jiri jiray Geed Tufaax ah oo weyn  iyo wiilyar oo ku ciyaari jiray Geedka hoostiisa, dhinac-yadiisa; fuuli jiray laamihiisa, guran jiray mirihiisa. Markuu daalana isaga hoos seexan jiray, aad buuna u jeclaa geedka. Sidoo kale Geedkuna aad buu ugu farxi jiray una sugi jiray ciyaarta, bood-booka iyo qosolka wiilka.

Mudo kadib wiilkii wuu weynaaday wuuna ka-fogaaday Geedkii uu laciyaari jiray. Maalin danbana wiilkii baa soo laabtay isagoo aan farax-sanayn, Geedkiina wuxuu ku yiri; kaalay ila ciyaar; wiilkiina wuxuu ku jawaabay; hadda ma ihi canug yar, umana baahni ciyaar, balse waxaan u baahnahay Lacag aan wax kusoo iibsado!.

Geedkiina wuxuu ugu jawaabay anu lacag mahaysto, laakiin waxaad qaadan kartaa Mirahayga, siaad u iibsato lacagna uga hesho. Wiilkii aad buu u farxay, Geedkii buuna fuulay, mirihii oo dhan buuna ka gurtay, wuxuuna ka-tagay isagoo faraxsan, Geedkiina uu murugaysan-yahay, maxaayeelay, wiilkii wuu katagayaa mana soo laaban rabo.

 

Balse mudo kadib ayuu soo laabtay isagoo nin weyn ah, Geedkiina aad buu ugu farxay soo noqoshadiisa, wuxuuna ku soo dhaweeyay farxad, wuxuuna ku yiri kaalay ila ciyaar? Wiilkiina wuxuu ku jawaabay ma ihi hadda Ciyaal u baahan ciyaar, ee waxaan ahay nin reer ama qoys mas´uul ka ah,  waxaana u baahnahay, Guri ay ku hoydaan!. Ee ma-igu kaalmayn kartaa arintaas?

Geedkiina wuxuu ku jawaabay; waan ka xumahay Guri kuuma hayo, laakiin waxaad yeeli kartaa inaad laama-hayga gurato siaad Guri uga dhisato.

Wiilkiina wuu ku farxay, wuuna gurtay laamihii Geedka oo dhan, wuxuuna tagay isagoo faraxsan, Geedkiina wuu la farxay, maadaama uu wiilkii helay wuxuu u baahnaa, wuuna ka naxay ka tagidiisa markale.

 

Maalin kale oo aad u kululayd buu soo laabtay wiilkii, Geedkiina aad buu ugu farxay soo laa-bashadiisa sifiicana wuu u soo dhaweeyay, wuxuuna ku yiri kaalay ila ciyaar!. Wiilkiina wuxuu ku jawaabay;

Anu waan daalay, waana duqoobay, waxaana rabi lahaa inaan u gudbo meel aan ku nasto, ee ma ii heli kartaa Doon!.

Geedkiina wuxuu yiri; Maya kuuma hayo Doon, laakiin waxaad qaadan kartaa Guntayda, siaad uga dhisato Doon, aad ugu Gudubto meesha aad rabto!. Kadibna wuxuu goostay guntii Geedka wuxuuna ka samaystay Doon, wuuna ku safray, mudo dheera masoo laabanin.

Sanado badan kadib, ayuu markale soo laabtay, Geedkiina wuxuu ku yiri, waan ka xumahay wax aan ku siiyo iima harin, miro aad cunto mahayo, Laamo aad ku fariisato iima harin, Gun aad ku ciyaarto mahayo!.

Asna wuxuu ugu jawaabay,  dhib maleh oo maba hayo ilko aan ku cuni lahaa mirahaaga!. Oo waxaan noqday Duq aan ciyaari karin, waxna qaadi karin.

Geedkiina wuu  ooyay, wuxuuna yiri; kaliya waxaan hayaa Xidido duqoobay/ hallaabay, iyagana kaam hagranayo, kaama ceshanayo!!

Wiilkiina wuxuu yiri; kaliya waxaan u baahnahay meel aan ku nasto, dhibkii sanadaha badan kadib.

Geedkiina wuxuu ku yiri Gunta Geedka duqoobay ayaa ugu haboon meel lagu nasto.  Kaalay iisoo dhawow; farxad bay ii tahay inaad iisoo fariisato, ninkiina wuu soo fariistay, Geedkii oo aad u faraxsan, illintiisuna qubanayso.

 

MAGARANAYSAA GEEDKAAS?

MARABTAA INAAD OGAATO,

MARABTAA  INAAD  DARYEESHO ??

MARABI LAHAYD INAAD WANAAG U SAMAYSO?

 

WAA HOOYADAA, HOOYADAA, HOOYADAA MACAAN,

 

J U DADAAL HOOYADAA WAXAY HAYSO KAAMA HAGRATEE.

J DARYEEL HOOYADAA KUMA XUMAYSEE......

J HA DHIBSANIN; HOOYADAA  KUMA DHIBSATEE!!

J HAKA FOGAANIN HOOYADAA QALBIGEDA KAMA BAXDIDE  

 

Waxaa soo tarjumay soo diyaariyay

Ahmed Abdulahi, Germany

Axmad72@hotmail.com  

 

 

 

 
 
And Today

More videos ...
IN VIDEO

Mogadishu University

More videos ...
ON ONKOD

RAGEH OMAAR
WARAYSI C. MUUSE
IN DEPTH

MUQDISHO UNIVERSITY

SAXAAFADA SOMALIA
18 Years & still fighting

Waraysi TV: Riyaale