Markaan jiray 4sano aabahay wuxuu ahaa; qofka dadka u qiimo badan, aan una jeclahay.
Markaan jiray 6sano aabahay dadka oo dhan buu yiqiinay! Markaan jiray 10sano aabahay wuxuu ahaa, qof aad u heer sareeya laakiin dabeecadiisa ayaa cariiri noqotay. Markaan jiray 12sano aabahay wuxuu ahaa, Qof ii naxariisan jiray markaan yaraa? Markaan jiray 14sano aabahay wuxuu noqday, Qof waxkasta diidaya/ maya oranaya. Markaan jiray 16sano aabahay wuxuu noqday, Qof casriga ka-danbeeya, oo aan lala noolaan karin! Markaan jiray 18sano aabahay wuxuu noqday, Qof dhibkiisu aad usii badanayo. Markaan jiray 20sano aabahay wuxuu noqday, Qof aan loo dulqaadaan karin, waxaana is weydiiyay hooyaday siday ula soo noolayd! Markaan jiray 25sano aabahay, Wax kasta wuu kahor imaanayaa/ wuu diidayaa. Markaan jiray 30sano aabahay wuxuu noqday; Qof aan lala heshiin karin, waxaana kafikiray awawgay siduu u soo hayay! Markaan jiray 40sano aabahay wuxuu noqday, Qof isoo baray nolol toosan, waana inaan sidiisii oo kale sameeyaa. Markaan jiray 45sano waxaa yaab igu noqotay, Aabahay siduu noosoo koriyay/ barbaariyay! Markaan jiray 50sano: Waxaa igu adkaatay inaan ilamhayga barbaariyo. Waxaana kafikiray aabahy intuu nagu soo daalay. Markaan jiray 55sano aabahay wuxuu ahaa, Qof aragti dheer leh, nagu soo daalay, wax aad u badana noosoo qabtay! Markaan jiray 60sano, aabahay wuxuu ahaa, qofka dadka u qiimo badan, aan una jeclahay! Sidaa darteed waxaan u baahday 65sano siaan u gaaro wareega u dhameeyo, uguna laabto halkii aan kasoo bilaabay markaan jiray 4sano (AABAHAY WAA QOFKA DADKA U QIIMO BADAN!. HADABA MA U BAARRI NOQONAA AABAYAASHEEN, INTA AAN FURSADA HAYSANO!! ILAAHAYNA MAKA BARINAA INAY ILMAHEENU NOOLA DHAQMAAN SI KAFIICAN SIDAAN AABAYAASHEEN ULA DHAQMI JIRAY?? (WAALIDKIIN BAARRI U NOQDA, SIAY ILMIHIINU BAARRI IDIINKU NOQDAAN!) Rabbi (swt) wuxuu faray inaydaan caabudin waxaan isaga ahayn iyo inaad labadii waalid wanaag u samaysaaan. Haduu ku-gaaro midkood ama labadoodiiba duqnimo ama da, agtaada; haku dhihin uf, hana canaananin, kuna dheh hadal macaan. Una raarici/ u jilci dhinacaaga naxariis darteed. Dhehna Eebaw u naxariiso siday iisoo koriyeen yaraan-taydii!.
Markaan jiray 6sano aabahay dadka oo dhan buu yiqiinay! Markaan jiray 10sano aabahay wuxuu ahaa, qof aad u heer sareeya laakiin dabeecadiisa ayaa cariiri noqotay.
Markaan jiray 12sano aabahay wuxuu ahaa, Qof ii naxariisan jiray markaan yaraa?
Markaan jiray 14sano aabahay wuxuu noqday, Qof waxkasta diidaya/ maya oranaya.
Markaan jiray 16sano aabahay wuxuu noqday, Qof casriga ka-danbeeya, oo aan lala noolaan karin!
Markaan jiray 18sano aabahay wuxuu noqday, Qof dhibkiisu aad usii badanayo.
Markaan jiray 20sano aabahay wuxuu noqday, Qof aan loo dulqaadaan karin, waxaana is weydiiyay hooyaday siday ula soo noolayd!
Markaan jiray 25sano aabahay, Wax kasta wuu kahor imaanayaa/ wuu diidayaa.
Markaan jiray 30sano aabahay wuxuu noqday; Qof aan lala heshiin karin, waxaana kafikiray awawgay siduu u soo hayay!
Markaan jiray 40sano aabahay wuxuu noqday, Qof isoo baray nolol toosan, waana inaan sidiisii oo kale sameeyaa.
Markaan jiray 45sano waxaa yaab igu noqotay, Aabahay siduu noosoo koriyay/ barbaariyay!
Markaan jiray 50sano: Waxaa igu adkaatay inaan ilamhayga barbaariyo. Waxaana kafikiray aabahy intuu nagu soo daalay.
Markaan jiray 55sano aabahay wuxuu ahaa, Qof aragti dheer leh, nagu soo daalay, wax aad u badana noosoo qabtay!
Markaan jiray 60sano, aabahay wuxuu ahaa, qofka dadka u qiimo badan, aan una jeclahay!
Sidaa darteed waxaan u baahday 65sano siaan u gaaro wareega u dhameeyo, uguna laabto halkii aan kasoo bilaabay markaan jiray 4sano (AABAHAY WAA QOFKA DADKA U QIIMO BADAN!. HADABA MA U BAARRI NOQONAA AABAYAASHEEN, INTA AAN FURSADA HAYSANO!! ILAAHAYNA MAKA BARINAA INAY ILMAHEENU NOOLA DHAQMAAN SI KAFIICAN SIDAAN AABAYAASHEEN ULA DHAQMI JIRAY?? (WAALIDKIIN BAARRI U NOQDA, SIAY ILMIHIINU BAARRI IDIINKU NOQDAAN!) Rabbi (swt) wuxuu faray inaydaan caabudin waxaan isaga ahayn iyo inaad labadii waalid wanaag u samaysaaan. Haduu ku-gaaro midkood ama labadoodiiba duqnimo ama da, agtaada; haku dhihin uf, hana canaananin, kuna dheh hadal macaan.
Una raarici/ u jilci dhinacaaga naxariis darteed. Dhehna Eebaw u naxariiso siday iisoo koriyeen yaraan-taydii!.
Waxaa soo tarjumay, soo diyaariyay Wakiilka Onkod Ee Germani ahna Tafatiraha Yurub, Axmad Cabdulahi, Germany Axmad72@hotmail.com