Sheekh Maxamed Axmed Nuur Cumar (Gadhyare) oo ka mid ah Culimada uugu caansan dalka Soomaliya hadana ku nool Canada Waxa uu aasaasay Ururka Al islaax sanadku markuu ahaa 1978 bishii todabaad isaga iyo Afar kale afarta waxaa ay kala yihiin
1-Sheekh Maxamed Axmed Nuur Cumar (Gadhyare) 2- Dr Cali Sh Axmed Gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho 3- Maxamed Cabdi Yuusuf 4-Sh Axmed Rashiid xanafi 5-Cabdullahi Maxamed Cabdalle
Sh Maxamed Axmed Nuur Garyare waxa uu ka hadlay safarkiisii uu ku aaday Dalka Sacuudiga sanadku markuu ahaa 1955tii waxa ay sii mareen Magaalada Hargaysa isla maalintaasina waxa ay uuga sii gudbeen Barbara , Waxaa lagu soo dhaweeyay Naadigii Leegada
Waxa uu sheekha sheegay in markaas magaalada dhexedeeda laga qaadayay hees lagu magacaabo (Ninkaa cabanaya cadaanka dhexdiisa Cabdullahi Ciisa Allow Caawi) Sheekha waxa ay isla markiiba ay u dhaqaaqeen dhinacaa iyo Yaman waxa ay gaareen Sanco
Sheekha Maxamed Axmed Nuur Cumar waxa ay wada socdeen Sh Ibraahim Suuleey iyo Afar kale waxa uu ka xusay shaafici Maxamed Axmed
Sh Maxamed Axmed Nuur Cumar Garyare waxa uu gaaray Magaalada Madiina uu ka galay Jaamacda Madiina waxa uu ahaa qofkii uugu horeeyay ee Soomaliyeed ee ka baxay Jaamacadaas
Waxa uu isla markiiba ku soo laabtay Sheekha Magaalada Muqdisho waxa uu shaqo ka bilaabay wasaarada Cadaalada iyo shu,uunta
Sheekha ayaa waxa uu ka hadlay taariikhdii Soomaliya iyo midii kacaanka ee uu Hogaaminayay Maxamed Siyaad Bare waxa uu Sheekha si dheer uuga hadlay Afganbigii ka dhacay Dalka Soomaliya 1969kii Waxa uu sh Garyare uu ka warbixiyay inqilaabkii ka dib
Waxa uu xusay Sh Maxamed Axmed Nuur Cumar garyare subaxdii uu dhacayay inqilaabkii 1969 uu xiligaasi uu gurigiisa ku sugnaa isaga iyo Niman ay asxaab yihiin waxa ay is tuseen in ay jirto mushkilo , waxa ay istuseen in hadii uu inqilaabka uu dhaco ay soomali u dhamaatay
Culimada xiligaas ay isla joogeen gurigiisa waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Sh Cabdi Qani Sh Axmed, Cabdullahi Maxamed Cabdi Raxmaan , Cabdi Raxmaan Faarax Ismaaciil iyo kooxo kale oo fara badan waxa ay kala tageen habeen barkii , isla subaxdiiba waxaa wadanka la wareegay Kacaankii.
Sheekh Maxamed Axmed Nuur Cumar (Gadhyare) ,Sh Cabdi Qani Sh Axmed, Cabdullahi Maxamed Cabdi Raxmaan , Cabdi Raxmaan Faarax Ismaaciil waxa ay habeenkaa is tuseen hadii uu wadanka u galo gacanta Nimankan uu Hogaaminayo Maxamed Siyaad Bare in uu Wadanka u dhamaaday iyadoo taa ay daliil ay uuga dhigeen in fikirka ay aaminsanaayeen kooxda uu hogaaminayay Maxamed Siyaad bare in ay tahay Shuuciyad oo aynan shaqo ku la hayin qaranimo
Dilkii Culimada qaabka uu u Dhacay
Maxamed Siyaad Bare waxa uu jeediyay khudbad aad u dheer oo uu kaga hadlayo quraanka Kariimka waxa uu sheegay in aynan waxii maanta ka danbeeyo aysan jiri doonin wax la yiraado Sudus ama Sumun isagoo u soo qaatay Daliil waqtigii Nabdiga NNKH oo qaar ka mid ah quraanka la nasaqay ayuu waxa uu sheegay in Wiilasha Iyo Gabdha ay dhinaca dhaxalka ay iskumid ay ka yihiin
Sh. Garyare waxa uu maalintaas ku tukaday Maasjid lagu Magacaabo Sh Cabdi Qaadir waxa uu arkay Nin wata Cumaamad iyo maro cad oo is taagay waxa uu ninkaa ahaa nin Bishimo Cad cad waxa uu dadka u sheegay in la yiraado Maxamed Axmed oo ay dhinaca Hooyaad ay qaarbo ka yihiin Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxa uu sheegay in maanta naftiisa hurayo
Maxamed Axmed oo markaas ka hadlay Masaajidka Sh Cabdi Qaadir ayaa waxa uu sheegay in uu maanta Naftiisa hurayo isagoo dadkii ka soo qayb galay meesha su,aalay hadalkan ( War idinkoo ilaahay ka baqayo Ninka qoray ama Maanta ka hadlay Idaacdaha ma la dhihi karaa waa Nin Mulim ah , Dadkii oo dhan ayaa waxa ay ku jawaabeen maya waa Gaal ) waxaa isla markiiba lagu qabtay Masaajidka
Dadka kale ee hadlay waxaa ka mid ah Sh muuse yuusuf oo ka istaagay Masaajid ku yiilay Xaafada Siigaale ee xaafada Hodan waxa uu sheekhan yiri Allow naga qabo sharta Shuuciyada iyadoo isla afar maalin ka dib lagu dilay Tiirka
Dowlada Sacduudiga ayaa waxa ay soo dirtay Wafdi uu hogaaminayo Sh Maxamed Maxamuud Sawaaf oo ahaa La taliyaha boqor Faisal Binu Cabdi Caziiz waxa ay la kulmeen Wafdigaas Wafdigii Dowlada Soomaliya waxa ay ka codsadeen in ay joojiyaan Fikirkan Shuuciyada waxa uu Maxamed Siyaad bare ku jawaabay hadalkan ( Waxa uu Maxamed Siyaad bare ku jawaabay anagaa xor ah anagaa dooranay ha na soo fa galinina Soomaliya Islaam u ma baahna ,Soomali diin waa ka dhargeen , ee orda u geeya Islaamka Wadamada Afrikaanka ahaa Loda Caabuda )
Sheekha waxa uu xusay in uu ku jiray Liiska dadka la xiray uu ka mid haa waxaa uu sheegay in saacad walba la xiri karay waxa uu ka baxay guriga sideeda Subaxnimo , Dadka la xiray waxaa ka mid ahaa Sh Maxamed Macalin iyo Sh Cabdi Qani
Waxa uu sheekha ka baxsaday Muqdisho waxa uu gaaray Dalka Sacuudiga waxa uu dagay Sacuudiga waxa uu shaqo ka bilaabay daarul iftta qaybteeda Afica (Arimaha Africa ee Dacwada Islaamka )
Warbaahinta Onkod waxa ay wadaan waraysiyo kale oo fara badan oo aan qaarna hada soo wadno qaarna aanu soo gudbin doono waraysigan waxa uu siiyay BBCDa qaybteeda Soomaliga waxaa ka dhagaysan kartaa qaybta Midig ee Warbaahinta Onkod News waxaa qaaday waraysiga Yusuf Xasan
Noo soo dira fikirkiina waraysiga Sh maxamed Garyare Onkod@London.com