Duqeyn xooggan islamarkaana ay dadi ku waxyeeloobeen ayaa maqribnimadii caawa loo geystay xaafado ka tirsan degmada Huruwaa ee magaalada Muqdisho.
Inta la ogyahay 5-ruux oo rayid ah ayaa ku quurbaxday inkabadan 15-kalana waa ay dhaawacmeen kadib markii Maqribnimadii Caawa Madaafiic aan loo aabo yeelin lagu garaacay guryo ay ku sugnaayeen dad rayid ah oo ku yeela deegaanka Suuqa Xoolaha degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho.
Madaafiicdan oo aad u faro badnaa ayaa dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Somalireal waxa ay sheegeen in mar kaliya ay ka war heleen diryanka Madaafiic faro badan oo ku soo dul hoobatay xaafadahooda iyagoona sheegay in ay ka soo dhacayeen Madaafiicdaasi fariisimaha ay ka degnyihiin magaalada Muqdisho Ciidamada AMISOM.
Xaafadaha ay Madaafiicda ku dhaceen ayaa waxaa kamid ah xaafada Godey iyo kuwo kale oo katirsan degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho, waxaana dadkii ku dhaawacmay Madaafiicdaasi markiiba loola cararay goobaha caafimaadka kadib markii ay gurmad u fidiyeen gawaarida Ambalaaska ee dhaawacyada qaada.
Mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa degmada Hiliwaa waxa ay marti iyo hoy u noqtay Madaafiic lagu garaacay xaafadaha ay ka koobantahay degmadaasi iyadoona dadka reer Muqdisho ay ku jahwareersanyihiin waxa loo bartilmaameedsado degmadaasi