Wasiirka arimaha Dibadda Ittoobiya Suoyum Mesvin ayaa maanta markii ugu horeysay taariikhda Soomalida noqday shir gudoonka Barlamaanka DFKMG iyadoona dood dheer iyo falaqeen ka dib la iclaamiyey in xilka laga xayuuybiyo madaxweynha DFKMG Col Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyadoona is diiwaan galiyeen 186 xildhibaan in uusan shaqsi ahaan ma suul ka yahay howlahii cakirnaa ee soo maray dowlada FK MG waxeyna xildhibanada tiradaa leh ay soo jeediyeen in xilka meeshaan looga xayuubiya si degd eg ahna loo soo doorto hogaan cusub oo dalka hogaamiyo.
Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa waxa la soo gudbooonaatay laba kala dooro waxaa uu ka baxay shirkii maanta ka dib markii loo sheegay in laga xayuubin doono hagada uu hayo ee madaxwaynaha soomaliya
Wasiirka arimaha Dibadda Ittoobiya Suoyum Mesvin oo isagu ka danbeeyo gadoodka xildhibaanda ayaa taasi waxay keentay in madaxweyne Yuusuf uu ka caroodo shirka halkaana ka sheegay in shir qool loo dhigay .uuna ka dabaalan doono waxaase uu aad madaxweynah uga carooday xildhibanadii taageersanaa uu dhaqaalaha ku qufijiray oo dhinaca kale maray taa oo ka careysiisay madaxweynha iyo taageerayaashooda iyadoona caawa laga dhan dhansan karo madaxweynaha iyo taageerayaashiisa caro xoogan
5 xildhibaan oo loo ogoladay in ay hadlaan ayaa dhamaan waxay soo jediyeen in ay fashil tahay dowlada fKMG taana sabateeda uu leyahay Madaxweynah waxana hor taagan nidaamka dowligana uu isagu yahay ,xiligaan loo baahan yahay in xilka meeshaan looga qaado iyadoona sida muuqatay hadalkaasi uu u riyaaqay Wasiirk arimaha Dibadda Ittoobiya Suoyum Mesvin isagoona soo jeediyey in codsigooda u gudbin doono bari madaxweyna yaasha Igad go'aankii ka soo baxana lagu dhaqmi doono
Si kastaba ha ahaatee Wasiirka arimaha Dibadda Ittoobiya Suoyum Mesvin ayaa soo jeediyey in ay ciidamada Itoobiya aysan u garba duubnaan dooni shaqsi aan u soo jeedin wax qabad dhab ah si deg deg ahna ay kala bixi doonaan ciidankooda ,waxuuna aad u dhaliilay hogaanka sare ee dowlada isagoona sheegay cid howsha wadiweyday ay tahay hogaanka sare ee Madaxtooyada loona baahanyahay in deg deg loo badalo