Taangiyo ay leeyihin ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika AMISOM ayaa la soo dhigay qeybo ka mid ah wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho, iyadoo wadadaaasina ay si weyn ugu yaraadeen gaadiidkii dadweynaha ee mari jiray iyo iyo dadkii isticmaali jiray intaba.
Goobaha ay ciidamada AMISOM taangiyada soo dhigteen ayaa waxaa ka mid ah agagaarka taaladii hore ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ay yaalaan illaa 3 taangi oo ay leeyihiin ciidamadaasi kuwaasoo loo jeediyey dhinaca isgoyska H/wadaag ee Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho, halkaasoo ay rumeysan yihiin iney weeraro ka soo qaadaan kooxaha ka soo horjeeda inkastoo ganacsatada Suuqaasi ay beeniyeen arintaas
waxaa ka socda magaalada muqdisho duwayn aad u xoog badan oo lala beegsanayo shacabaka magaalada muqdisho waxaa wax laga naxo ah sawirada muujinayo dhibka soo gaaray dadka an waxba galabsan iyadoo suuqa bakaaraha shalay uu wada noqday dhiig iyo hilbyo go,gay
Wakaaladaha wararka waxa ay qoreen wiil yar oo Soomali ah oo hooyadiis oo mayid ah kor istaagan kuna dhahayo hooyo maxaa u seexatay iyadoonan haysan qof caawiya ama wiilka yar ka kor qaado mayidka
xasuuqa ka socada Muqdisho waxaa lagu tilaami karaa kuwii ka dhacay ruwanda waxa kaloo lagu tilmaami karaa xasuuqi la xasuuqay dalka Japan