NEWS
Kofi Anan oo Dowladaha Deriska la ah Soomaaliya
 
 

 

 

Afhayeenku waxa uu sheegay in Mr Kofi Anan uu ka wal walsan yahay fara gelinta siyaasadeed ee ay soomaaliya ku hayaan Dowladaha Deriska la ah,isagoo farta ku fiiqay Eritrea iyo Ethiopia oo uu ku sheegay in ay yihiin labo dal oo colaadaha soomaaliya sii hurinaya.

Kofi Anan ayaa ugu baaqay Dowladaha Eritrea iyo Ethiopia in ay joojiyaan ficil kasta oo colaada hurin kara,isagoo dhanka kale labada dhinac ugu baaqay in ay xoojiyaan wada hadalada Khartoum.

Qaramada Midoobey ayaa ka digtay Dagaal sokooye oo xilligan ka dhaca Soomaaliya,taasoo la sheegay in qarka uu u saaran yahay dagaal qaraar oo dhex mara Dowladda iyo Maxkamadaha,iyadoo Maxkamadaha mar walba ay ku baaqaan Dagaal Jihaad ah oo ka dhan ah Itoobiya.

Hey'adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga aya bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dadka ka soo barakacaya Gudaha Soomaaliya ay noqdeen kuwo soo kordhay,iyadoo ay sheegtay in ay gebi ahaanba ay buuxsameen Xeryaha Qaxootiga ee Kenya ku yaal,waxa ay sheegtay in ay ugu wacan tahay bara kacooda Xiisadaha Dagaal ee soomaaliya ku soo kordhaya.

C/casiis GOLF

 
 
And Today

More videos ...
IN VIDEO

Mogadishu University

More videos ...
ON ONKOD

RAGEH OMAAR
WARAYSI C. MUUSE
IN DEPTH

MUQDISHO UNIVERSITY

SAXAAFADA SOMALIA
18 Years & still fighting

Waraysi TV: Riyaale